”Saaxiibkaa Erdogan wuxuu kugu casuumayaa hillib kalluun!”

0

(Ankara) 25 Agoosto 2018 – Madaxwaynaha Ruushanka, Vladimir Putin iyo dhiggiisa Turkey, Recep Tayyip Erdogan, waxay goor dhow ka arrinsan doonaan xiriirka labada dal iyo gantaalaha S-400, iyagoo dul fadhiya suxuun kalluun iyo aargoosato ah.

Waxaa la helay warqad casuumad ah oo uu Erdogan, u diray madaxwaynaha Ruushka, isagoo sii marsiiyay Wasiir Dibadeedka Turkiga Mevlut Çavusoglu isagoo leh: “Saaxiibkaaga qaaliga ah, Mr. Erdogan, wuxuu ku waydiisanayaa inaad salaan ka guddoonto, wuxuuna rajaynayaa inaad Istanbul soo booqan doontid mustaqbalka dhow. Waxaa laguu nidaamiyay qorshe aad ku tegeyso makhaayad kalluun.” ayaa ku qornayd warqad furan oo uu Cavusoglu hoggaamiyaha Ruushka ugu dhiibey Moscow.

Sheekada ‘Makhaayadda kalluunku’ waxay dib ugu noqonaysaa kulankii dalalka BRICS ee bishii Luulyo, waxaana xilligaa Putin lagu wareliyay casuumaddan, balse madaxwaynaha Ruushka ayaa xilligaa codsaday in la turxaan bixiyo arrin ku aaddan hilibka uu Ruushku u dhoofiyo Turkiga, taasoo la saxay dhamaadkii isla Luulyo.

Labada dal ee Ruushka iyo Turkiga ayaa isu sii dhowaanaya, jeer ay sii kala durkayaan Turkiga iyo Maraykanku.

Hadalsame Media