(London) 25 Agoosto 2018 – Kaltuun Saalax, 43 jir, oo ahayd haweenay Soomaaliyeed ayaa geeriyootey Talaadadii, iyadoo horay ugu gubatey dab qabsaday qayb ay ka deganayd Noll House, Corker Way, horraantii Luulyo.
Ms Saalax oo markii dambe la dhigay qaybta ku takhasustay gubashooyinka, kahor inta aanay geeriyoonin bartamihii todobaadkan, ayay booliisku baaris ku bilaabeen arrinteeda.
Abdi Quulle, 42 jir, oo isna deganaa Noll House, Corker Walk, ayaa goobta dabka lagu arkay iyadoo laftiisa gubasho laga daweeyay, waxaana isaga laftiisa loo xirey tuhun isku day dil 4-tii bishan, isla maalintaa ayaana lasoo taagey maxkamadda Highbury Magistrates. Damiin baa se lagu sii daayay, isagoo markale Khamiista soo aaddan hor iman doona maxkamadda dembiyada ee Old Bailey.
Mid ka mid ah dadka deriska ah, oo codsaday in aan la magac dhabin ayaa yiri: “Kaltuun waxay ahayd qof wanaagsan oo deggan, naxariis badan, dareen leh, carruurteedana daryeelaysay.”
Gurmadka deg degga ah, oo ay ku jiraan ciidamada dab damiska, ayaa loogu yeerey dabka ka holcayay Andover Estate qiyaastii 2.50pm, Luulyo 5.
4 carruur ah ayaa iyagana isbitaalka loo qaaday taxaddar ahaan, balse markii la baaray ma qabin dhaawacyo halis ah.

Hadalsame Media