Labadan qodob ma lagu XALLIN karaa xasaradda Somalia?

0

(Hadalsame) 25 Agoosto 2018 – Oday waayeel ah ayaa laga sheegay inuu yiri:” Laba arrimood markaan odayoobay baan bartay; waa sida ilmaha loo aamusiyo kolka uu ooyo, iyo sida dabka loo shido.

Tan hore wuxuu yiri: Ilmaha calooshaa loo buuxiyaa, hadduu ooyo waa la daayaa asagaa dantii u aamusaya, tan labaadna wuxuu yiri: Xaabada ayaa lagu guraa iyo dhinbilaha waana loo kaadiyaa asagaa aayar uu balbalaya.

Haddii aad ilmaha aamusi is tidhaahdo enerjiga ayaa kaa dhamaanaya, mana aamusayo. Haddii aad dab xoog ku shid is tiraahdo gadhka iyo indhaha ayaa habaas iyo ciid kaaga dhammaanaysaa uun.

DULUCDA

Taas waxaan ula jeedaa markii aad dhallinyaro tahay waxaa kugu jirta inaad khalad kasta saxdo, qofkii aad in yar ku dhibsato mucaaraddo, adigoo is leh wax walba sida aad jeceshahay ka dhig. Balse haddii da’ kuu korodho waxaad ogaan in dunida khalad ka buuxo aadna mar qura wada sixi karin.

Waddankeenna waxaa jira khaladaad fara badan oo ay ugu wayn tahay kala jab bulsho, dagaallo sokeeye, tabashooyin, cadaalad darro kuwaasoo marna dumiyey dawlad nimadii, haddana sii tarmay intii ay dunsanayd, waxaas oo dhan hal maalin ma samaysmin, waxay u baahan yihiin laba arrimood:

1- Xal sida ay ukala mudan yihiin loo abbaaro.
2- In waqti la siiyo, lagu ogaan karo natiijada, laguna cabbiri karo.

Waxaa kale oo jira xanuunno kuwa kale ku xidhan, oo haddii aad kaas daawaysid si fudud asna u raaci doona, marka khalad kasta in xoogga la saaro ma mudna , ee isha uu ka soo burqanayo ayaa la xidhaa.

W; Qoray: Maxamed Cumar

Hadalsame Media