(Muqdisho) 25 Agoosto 2018 – Ugu yaraan sagaal xubnood oo ka tirsan ururka Al-Shabaab ayaa lagu dilay gobolka Gedo sida ay sheegayaan saraakiil ka tirsan dowladda Soomaaliya.
Xasan Muxumed Cali oo ah guddoomiyeha degmada Buurdhuubo oo ka tirsan Gobolka Gedo ayaa sheegay in ciidanka militariga Soomaaliya dileen 7 dagaalame iyo labo sarkaal oo ka tirsan Al-Shabaab.
Waxaa uu sheegay in dagaaladdu ka dhaceen nawaaxiga degmada Buurdhuubo.
Ma uusan sheegin haddii wax khasaare ah gaaray dhinac kale ee ciidanka dowladda.
Hadalsame Media