(Geneva) 25 Agoosto 2018 – Hay’adda Caafimaadka Adduunka QM ee WHO ayaa sheegtay inuu qofku doob ahaado ay tahay naafanimo, iyadoo warbixintan oo muran dhalisay ay sheegtay in ragga iyo haweenka doonaya inay guri dhistaan, balse aan lamaane heli karin loo arki karo qof naafo ah oo kale ah.
Go’aankan ayaa ka yaabiyay malaayiin qof, balse WHO ayaa sheegtay inay barbar taagan yihiin aragtida ah in loo baahan yahay inuu insaanku lamaane yeesho oo tafiir reebo, iyadoo sheegtay inay jiraan doobab badan oo aan awoodin inay yeeshaan jaal nololeed. Middaasi waa naafanimo oo kale ayay ku doodaysaa WHO.
Aragtida WHO ayaa cillado badan loo yeelay, tusaale ahaan, waxaa jira dad aan lamaane lahayn oo sidaa dooqday, waxaana la isku raacay in aragtidani aysan ahayn mid waaqici ah.
Hadalsame Media