(Washington, DC) 25 Agoosto 2018 – Dayuuradda basaaska ah ee U-2 waxay duullimaadkeedii ugu horreeyay samaysay 1955-kii, waxayna ciidamada Maraykanka siisaa xog daqiiq ah oo ay cirka ka qaaddo, maaddaama ay tahay dayuurad ku duusha joog aad u sarreeya.
Dayuuraddan oo ay farsamaysay Lockheed Martin, laguna naanayso Dragon Lady, ayaa gaari karta fogaan cireed dhan 70,000 oo cagood (21,336m) iyadoo dul haadaysa bartilmaameedyada cadowga, iyadoo sidata qalab casri ah oo ay wax ku basaasto iyo baxaalliyo gaar ah, sida iyada oo aanu raadeerku arki karin.
IIMAHA DRAGON LADY
Dayuuraddan ayaase hal meel ku liidata, waana inaysan jeclayn duulitaanka hoose iyadoo xitaa kaalmo u baahan marka ay degeyso ama duulayso, waxaana tusaale ahaan, cayrsada gaari loogu diyaariyo garoonka oo dhabbaha u tilmaama, isla markaana u sheega xilliga ay baxsanayso taayarrada oo ay xitaa ku jira kuwo ku xiran baalasheeda oo aad u dhaadheer.
U-2 oo ciidamada Maraykanka ee cirka u holwgashay 1989-kii oo haatan leh 32 U-2, ayaa ka qayb qaadatay inta badan dagaalladii uu Maraykanku galay sida Duufaantii lama Degaanka Khaliijka 1990-91, Bosnia iyo Kosovo 1998-kii, kii Afghanistan 2001 iyo dagaalkii 2-aad ee Ciraaq ee 2003.
Hadalsame Media