(Muqdisho) 25 Agoosto 2018 – 28 xubnood oo ka tirsnaa booliska Soomaaliya oo loo haysto eedo ay ka mid yihiin amar diido iyo musuq-maasuq ayaa xabsiga la dhigay sida ay sheegtay laanta dambi barista booliiska Soomaaliya.
Taliye ku xigeenka laanta dambi baarista ee ciidanka booliska Bishaar Abshir Geeddi oo shir jaraa’id ku qabtay Muqdisho ayaa sheegay in ciidankaan la dhigay xabsiga dhexe ee Xamar.
“Waxaan rabnaa inaan la wadaagno ummada in ciidamo kale oo la maqan hub iyo qalab hanti dadweyne ah in si deg-deg ah loo soo celiyo hubka iyo qalabka maqan,” ayuu yiri taliye ku xigeenku
Waxaa uu digniin u diray ciidanka booliska ee jidadka taagan ee dhibaateenaya mararka qaar shacabka waxa uuna ku goodiyey in kuwaasi lagu qaban doono gacan adag.
Hadalsame Media