(Toronto) 25 Agoosto 2018 – Magaalada Toronto ee dalka Kanada, ayaa dil loogu geeystay wiil soomaaliyeed oo 30 jir ah, kaas oo magacaabi jiray Kaafi Baashir. Kaafi ayaa meydkiisa laga helay bartamaha magaaladda Toronto, iyadoo uu jirkiisana inta badan ka muuqday dhaawac xoogan oo loo geeystay.
Boliisku waxeey sheegeen ineey ku howllan yihiin baaritaano la xirriira dailka Kaafi iyo cidda ka dambeeysa, waxaana ay farta ku fiiqeeyn dhalinyarro soomaali ah oo loo maleeynayo ineey ka dambeeyeen dilkiisa.
Ma jirto ilaa iyo iminkada cid loo soo qabtay dilka Kaafi Bashiir, balse dilalka dhalinyaradda soomaalida ee Kanada ayaa noqday mid xadkii ka baxay. Jaaliyadda soomaalida ee magaaladdana waxaa moodaa in aysan xal dhab u helin dilalkan sida gaarka ah loola beegsanayo soomaalida.
Hadalsame Media