(London) 24 Agoosto 2018 – Laacibka Sergio Aguero wuxuu ahaa xiddig aan jeclahay dhanka Premier League marka ay timaaddo 5-tii sanadood ee tegey. Waa jeclahay wax kasta oo uu sameeyo marka uu ciyaarayo. Waa bilowga maqaal uu qoray Peter Croach.
Ma dhaliyo uun goolal iska caadi ah: Wuxuu ku dhaliyaa gurta, midigta, meel dhow ama meel dheer intaba wuu ka toogtaa, wuxuu kubad loowlabi ah ka dul qaadaa goolwalaha sidii uu todobaadkii tegey yeelay kulankii Huddersfield.
Balse ma yahay laacibka ajnabiga ah ee ugu wanaagsan ee aannu ku aragnay Premier League? May. Taasi waa arrin kale. Waxaan todobaadkan arkayay Alan Shearer oo taa ku tilmaamaya Aguero, balse tiiyoo aan ixtiraamayo Alan, kuma raaci karo. Dookhaygu waa Thierry Henry.
Henry wuxuu lahaa maagis, farsamo, hibo, balse waxa aan weli maankayga ka go’in waa xawaarihiisii, wuxuu ahaa laacibka qura ee kubad dheela ee u ordi jirey sidii orodyahannada Olombikada, kubad ceshiga iyo dhamaystirkana kuma xumeeyn!
Waxaan sidoo kale daawaday Gianfranco Zola, wuxuu ahaa nin aan hannaan ahaan ka door bidayo Eric Cantona. Sidoo kale ha illoobin, Dennis Bergkamp. Wuxuu ahaa ninkii sababta u ahaa in Henry uu halyeey noqdo. Muxuu laacib ahaa.!
Hadalsame Media