Waa maalintii ugu horreeysay ee ay gabar Japanese ihi MIIG duuliso + Sawirro

0

(Tokyo) 24 Agoosto 2018 – Gabadha Misa Matsushima, 26 jir, oo u dhalatay dalka Japan ayaa noqotay haweenaydii ugu horreeysey ee abid duuliye ka noqoto dayuurad dagaal, gaar ahaan nooca miigga, kaddib markii ay maanta dhamaystiratay tababarka dayuurad  F-15 ah.

“Haweenaydii ugu horreeysey ee dayuuradda noocan ah duulisa ahaan, waxaan jidka u furayaa haweenka kale,” ayay Matsushima u sheegtay warfidiyeenka.

Ciidamada cirka Japan ayaa bilaabay inay haweenka qortaan 1993-kii – balse xilligaa sheekada kuma jirin inay duuliyeyaal noqdaan, waxayna mamnuucaasi qaadeen 3 sano uun ka hor 2015-kii.


Hadalsame Media