(Milano) 24 Agoosto 2018 – Xiriiriyaha dhanka Farsamada AC Milan, Paolo Maldini, ayaa sheegay inuu la hadlay macallinka kooxda SSC Napoli ee Carlo Ancelotti kahor kulanka ay berri yeelayaan kooxaha Napoli vs AC Milan.
Carletto ayaa markii ugu horreeysey kulan rasmi ah ku wajahaya kooxda Rossoneri tan iyo markii uu ka tegey 10 sano ka hor, wuxuuna sidoo kale arki doonaa ardaydiisii hore oo kala ah Gennaro Gattuso oo haatan Milan layliya iyo Maldini oo ay habeen dambe ku wada dheelayaan Stadio San Paolo.
“Waa safarkaygii ugu horreeyay ee aan kooxda la qaato, markan maaha anigoo ciyaaraya, waxaan la hadlay Ancelotti shalay, wuuuna na sugaya. Waxay noqon doontaa ciyaar fiican,” ayuu Maldini u sheegay Sky, isagoo tibaaxay inay soo noqotay xiisayntii Milan.
Hadalsame Media