Somalia oo ku biiray Al Shabaab & falcelinta dadwaynaha!!

0

(Riyaad) 24 Agoosto 2018 – Somália ayaa ku biiray al-Shabab – balse ma aha sida aad u malayn karto. Wergiton do Rosario Calmon, oo loo yaqaanno Somália, isla markaana 3-dii sanadood ee ugu dambeeyay u dheelayay kooxda Faransiiska ah ee Toulouse FC.

Laacibkan 29-jirka ah ee reer Brazil ayaa qandaraas la galay kooxda kubadda cagta ee Sucuudiga ka dhisan ee Al-Shabab FC.

Waloow al-Shabab, uu Carabi ahaan yahay eray aan shiddo lahayn oo la mid ah dhallinyaro, misna dadka adeegsada baraha bulshada ayaa markiiba memes ka sameeyay arrintan, iyadoo tixraacaya kooxda Somalia ka dagaallanta ee xiriirka la leh Al Qaacida.

Toulouse FC ayaa shalay si rasmi ah ugu dhawaaqday inuu laacibku ka tegey, iyagoo aad ugu amaanay Somalia “inuu ahaa xifradle wayn”.


Hadalsame Media