Ruushka oo sanadka dambe ku howlgeli doona dayuurad leh muuqaallo cajiib ah!! + Sawirro

0

(Moscow) 24 Agoosto 2018 – Dayuuradda ugu cusub Ruushka ee guuxeeda ka dheeraysa, the Su-57, ayaa ku shaqayn doonta “otomaatik buuxa” marka ay dagaal cireedka ku jirto, sida wararka ciidan lagu helayo.

Dayuuradda doorarka badan ee jiilka 5-aad, ayaa lagu wadaa inay raxanta ciidamada cirka si rasmi ah ugu biirto sanadka soo aaddan, waxayna yeelanaysaa “qaab howleed wada otomaatik ah,” sida ay ilo wareed ku dhow ciidamada cirku ay u sheegeen wakaalad wareedka RIA Novosti, kaasoo hab-howleed ahaan dayuuraddan u ”dhowaynaya” UAV oo ah jiilka 6-aad oo haatan la farsamaynayo.

Miigga Su-57 oo ah nooca raadaarka ka dhuunta, ayaa loo naqshadeeyay inuu duqaymo ka sameeyo cirka, dhulka iyo badda, wuxuu kaloo aad ugu firfircoon yahay dagaal bisadeedka miigagga ku dhex mara hawada, wuxuu sidoo kale ka bixi karaa duullimaadyada masaafada dheer.

Ciidamada cirka Ruushanka ayaa saxiixay qandaraaskii ugu horreeyay ee ay ku dalbadeen 12 miig oo ah Su-57, waxaana diyaaradda ugu horreeysa loo daabulayaa sanadka soo aaddan, sida ay dorraad sheegtay Wasaaradda Gaashaandhigga Ruushku.

Jiilka 6-aad UAV
Jiilka 5-aad Su-57

Hadalsame Media