Liverpool oo lagu gorgorinayo lacagtii ugu badnayd ee abid koox lagu iibsado + Sawirro

0

(Liverpool) 24 Agoosto 2018 – Nin ay ilma adeer yihiin milkiilaha Manchester City ee Sheik Mansour ayaa la sheegay inuu ku guul darraystay inuu iibsado kooxda Liverpool, xitaa markii uu miiska saaray £2bilyan oo gini.

Sheikh Khaled Bin Zayed Al Nehayan, oo ah Imaaraati xubin ka ah qoyska halka gacan ku xukuma Imaaradda Abuu Dabeey, ayaa kulamo bilo dhowr ah soconayay la qaatay wakiillo ka socdey milkiilayaasha Liverpool, dabayaaqadii 2017 iyo horraantii 2018.

Kaddib wuxuu miiska soo saaray £2bn oo gini, wax noqon lahaa lacagtii ugu badnayd ee abid lagu iibsado koox kubadda cagta ah, waase laga diidey markaas, iyadoo Midhat Kidwai, oo ah agaasimaha ganacsiga Sheikh Khaled uu New York kula kulmay guddoomiya Reds Tom Werner.

Sheikh Khaled, ayaa waloow uusan lacag ku dhamayn bilyaneerka City iska leh ee Sheikh Mansour, misna leh lacag aad u fara badan, wuxuuna ka mid yahay ganacsatada ka tilmaaman Khaliijka.

Hadalsame Media