(Washington, DC) 24 Agoosto 2018 – Maraykanka ayaa mar kale Turkiga uga digey inay iibsadaan gantaalaha istaraatijiga ah ee Ruush sameega ah ee daafaca cirka ee S-400, weliba Wasaarad Dibadeedka Maraykanku waxay qaadday tillaabo dheeri ah, iyadoo gebi ahaanba dalal ay ku sheegtay inay Maraykanka xulufo la yihiin gaar ahaan kuwa ku jira NATO uga digtey inay xitaa ka fikiraan heshiis noocan ah.
Wuxuu Maraykanu sheegay in gantaalaha S-400 oo Turkey laga iibiyaa ay iyaga u tahay “walaac soo kordhay” sida ay sheegtay Heather Nauert iyadoo dalalka kale uga digtey, weliba si hanjabaad ah, inay isku qasaan agabka millateri ee NATO iyo kuwa Ruusanka.
Horraantii todobaadkan, Rosoboronexport ayaa xaqiijisay inay Ankara u daabulayso qaybta 1-aad ee gantaalaha S-400 marka uu curto sanadka 2019.
“Waa arrin ka hor imanaysa siyaasaddeenna in dal aan xulufo nahay sida Turkey uu isticmaalo gantaalaha S-400. Dhibaatada ay arrintaa leedahay waa inaanu la jaanqaadi karin hubka kale ee NATO samayso,” ayay ku doodday Nauert.
“Si cad baannu ugasoo horjeednaa in qaar ka mid ah dalalka aannu jaalka nahay ay iibsadaan hannaanka difaaca cirka ee S-400.” ayay daba dhigtay, iyadoo arrintan loo fasiran karo inuu Maraykanku diiddan yahay gantaalahan oo ka hufan kuwiisa u dhigma ee THAAD.
Hadalsame Media