(Hadaldame) 24 Agoosto 2018 – KU: Madaxweynaha maamulka Gobolka Soomaalida, Md Mustafa Cagjar.
Talo soo jeedin:
Laba sano waa waqti aaad u yar marka laga hadlayo hawlo dawladeed, madaxweyne waxaad ka gaartaa inaad xooggaaga isugu gayso qorshaynta Iyo dejinta siyaasadda waxyaalahan qaarkood:
1. Shirweyne lagu go,aansado jihada la aadayo , madaxweynuhuna ku helo legitimacy ama sharciyad iyo aaminaad shacab. Shirka kabacdi in madaxweynuhu degaanka Soomaalida oo idil soo maro si uu aragti uga qaato dadka iyo degaanada waxa gaaray maaddaama waqti ugu danbaysay, mana aaminsani in ay dedejiyaan dawladda dhexe oo ugu yaraan ka cararaysa cir daloolo siyaasadeed ‘political vacuum’ ama sidoo kale ay takhantakhiyaan dadkii iyana waqtiga dheer banaanka ku hornaa ama wax loogaystay..ha degdegin waxaa hubto samee.
2. Shirkaas waxa ugu muhiimsan ee la rabo in uu ka soo baxo waa cahdi ummadeed “social contract”, midnimo Soomaliyeed, walaaleyn, iyo jiho qura in la wada aado.
3. Dib u heshiisiin run ah , si is aaminaadda kalsoonida Iyo xiriiradii dhaawacmay u soo laabtaan, nabaradii dadka ku dhacay in la dhayo.
4. Dhismaha maamulkaaga in uu shirkaas iyo socdaalkaas ka danbeeya si aad go,aan sax ah u qaadato, agab, iyo dad saxana u hesho
5. In aad dib u Dhisto hay’ahada dawladnimo oo muhiimka ah.. ugu yaraan kuwa Garsoorka, kuwa Baarlamaanka degaanka iyo golaayaasha municipalities degmooyinka gobolada, iyo fulinta oo kala madax bannaan . Taasi waxay keenaysa in dadku maamulka aaminaan.
6. Dadyawgiii iyo jabhadaihiii banaanka ka ahaa hanaankii jiray iyana in xal wanaagsan loo helo arrimahooda, siyaasadna laga dejiyo.
7. Arrimaha xorriyadaha iyo sharafta dadka aad madaxweynaha u tahay waa inaad kor u qaadaa si dad qiima leh, aan munaafiqiin ahayn ee run sheegayo, oo akhlaaf fiican ummadeenu u noqoto
8. Madaxweyne laba sano aaad ayay u yartahay lkn waxaad dadkaaga ku reebi kartaa xasuus ay jiilasha danbe kaaga mahadceliyaaan kuguna xasuustaan.
9. Madaxweyne waxaa wax kaala dhaxeeyaan qawmiyado kale oo badan, waxaa dadkeenu qayb ka yahay Federaalka waxaan filaynaa inaad isu dheeli tiri doonto dhinacyadaa kala duwan.
Arrinka meekhaanka iyo matilaadda aan ku leenahay dawladda Federaalka ah iyo hay’aheeda heer federal oo Somalidu tahay kuwa ugu hooseeyaa iyadoo tiro iyo baaxad dhul intaba ay mug leedahay in laga tashado loona sameeyo siyaasaad lagula dhaqmo.
Suldaan Cabdisalam Suldaan Maxamuud
Qoraalkani wuxuu ka tarjumayaa aragtida qoraha ku saxiixan.
Hadalsame Media