Xujeey Soomaali ah oo geeriyootey & adeegga oo ay ka ashtakoonayaan

0

(Maka) 23 Agoosto 2018 – Ugu yaraan 4 Xujeey oo Soomaali ah ayaa ku dhintay dalka Sacuudi Carabiya sanadkan sida ay sheegayaan illo madaxbanaan.

Labo ka mid ah Xujeeyda ayaa la sheegay inay ku dhinteen shil baabuur.

Dhinaca kale, waxaa la sheegayaa daruuf adag oo soo food saartay kumannaanka Soomaalida ah ee sanadkaan u tagay Sacuudiga guddashada Xajka.

Dhibaatooyinkaas waxaa ka mid ah daryeel la’aan iyo adeeg heer ahaan hooseeya oo ay la kulmeen Xujeeyda Soomaalida ah marka loo bar bar dhigo ummadaha ka soo xajiyey dalalka kale.

Hadalsame Media