Waa sidee xaalka magaalada Marka kadib qabsashadii ciidanka dowladda?

0

(Muqdisho) 23 Agoosto 2018 – Xaalad caga badan aan ku taagnayn ayaa ka jirta Magaaladda Marka ee xarunta gobolka Shabeellaha Hoose sida ay sheegayaan dad ku dhaqan halkaas.

Magaaladda waxaa si buuxda gacanta ugu haya ciidamo millatari ah oo ka socda dowladda Soomaaliya.

Labadii cishe ee ugu dambeysay waxaa gudaha iyo daafaheeda ka dhacay dagaalo u dhaxeeya ciidanka dowladda iyo maleeshiyaad ka tirsan Al-shabaab waxaana ku geeriyooday 5 ruux oo la sheegay inay ahaayeen dagaalamayaal ka tirsanaa Shabaab.

Yeelkeede, waxaa Magaaladda Marka ka barakacay inta badan dadkii shacabka ahaa ee magaalada ku noolaa waxaana ku dhowaad wada maqan adeegyadii aasaasiga ahaa ee magaalada oo u baahan waxqabad deg deg ah.

Hadalsame Media