LA YAAB: Wasiir MUSUQ ku faanay & mujtamacii oo u sacbiyay!! (Daawo)

0

(Hargaysa) 23 Agoosto 2018 – Dhibaatada Soomaali dhanka dowladnimada ka haysta marka jahliga oo qabyaaladda taageerta laga soo tago, midka kale ee kuwaa kaba sii daran, waloow uu laftiisu ku daaban yahay waa MUSUQA. Balse musuqa waxaa gacan wayn ka gaysta isla mujtamaca Soomaaliyeed ee iyaga xoolohoodii lagu dhacayo.

Muuqaalkan waxaa ka muuqda Wasiirka Biyaha maamulka Somaliland, Saleebaan Cali Koorre, oo si cad ugu faanaya inay sameeyeen arrin musuq cad ah, taasoo ah inay lacag aan ku jirin miisaaniyadda, isla markaana aan qornayn ay soo saareen.

“Madaxweynaha Somaliland wuxuu idiin soo dhiibay lacag aan Wasaaradda Maaliyadda soo marin oo aan bajetka maaliyadda ku jirin, lacag aan hay’adi keeenin” ayuu u yiri cod laga dareemayo inuu arrintaa ugu faanayo isagoo ka dhigaya in ay waxaas wanaag u sameeynayaan, waxaana markiiba is qabsaday sacab iyo alalaas.

Kaaga darane, meesha waxaa joogta saxaafaddii, iskaba daa inay daba galaan ama qoraallo ka sameeyaan e, ma dhicin inuu hal Wariye ama qof kale oo shacabki uu waydiiyo halka Muuse ka keenay nus malyuunka doolar ee aan Maaliyadda soo marin budget-kana ku jirin? Iyo cidda awoodda u siisay Madaxweynaha in uu bixiyo lacag aan nidaamka Maaliyadda marin?

Hadalsame Media