(Muqdisho) 23 Agoosto 2018 – Koox ku hubeysan bastoolado ayaa toogasho ka gaystay degmada Dharkeeynley ee gobolka Banaadir.
Maleeshiyaadkan loo maleynayo inay ka tirsan yihiin Al-Shabaab ayaa dilay labo wiil oo walaalo ah.
Midkood labada marxuum waxaa uu ahaa askari ka tirsan ciidamada dowladda Soomaaliya halka kalena ahaa wiil ciyaalka xaafada ah oo la dhashay askariga la dilay.
Goobjoogayaal ayaa u sheegay Hadalsame Media in dilkaan xalay fiidkii uu ka dhacay nawaaxiga kaamka Badbaado.
Dhowr ruux oo rayid iyo askar isugu jiray ayaa siyaabo kale duwan loogu dilay Muqdisho 48-dii saac ee la soo dhaafay.
Hadalsame Media