DAAWO: Madaxwaynaha Gobolka Soomaalida oo ku dhawaaqay isbedello ballaaran

0

(Jigjiga) 23 Agoosto 2018 – Madaxweynaha cusub ee maamulka loo yaqaanno dawlad deegaanka Soomaalida Ethiopia Mustafe Muxumad Cumar (Mustafe Cagjar) ayaa ku dhawaaqay in dib loo bedelaayo calanka iyo magaca maamulkaasi oo haatan loosoo gaabiyo DDSI.

“Cafarta oo degta Jabuuti, Itoobiya iyo Eritrea lama yiraahdo Cafarta Itoobiya, sidoo kalena Orommada oo degta Kenya iyo Itoobiya Lama yiraahdo Orommada Itoobiya, sidaa darteed iima muuqato sabab loo yiraahdo Soomaalida Ethiopia” ayuu yiri madaxwaynuhu.

Mustafe ayaa sidoo kale ka hadlay siyaasadda uu maamulkiisu ku wajahayo maamulidda gobolka Soomaalida oo tirsanaya tacaddiyo badan oo iskugu jira kuwo ay iyagu isu gaysteen iyo kuwo uga yimid dowladihii dhexe ee kala dambeeyay ee soo xukumay Itoobiya oo uu gobolkaa ku wareejiyay gumaystihii Britain.

Isbedelladaa waxaa ka mid ah in la dhisi doono maamul kala sarreeya oo uu qof kastaahi shaqadiisa u madax bannaan yahay oo aan kali talisnimo ku shaqaynayn, in la dhowrayo xuquuqda qofku u leeyahay madax bannaanida fikirka iwm.

Haddaba, hoos ka dhegeyso isbedelladaasi.

Hadalsame Media