WAR CUSUB: Amar lagu soo xirayo madaxii hore ee sirdoonka Itoobiya

0

(Muqdisho) 22 Agoosto 2018  Iyadoo lagu wado inay kulmaan 36-da xubnood golaha fulinta ee xisbiga haya tallada dalka Itoobiya (EPRDF) ayaa waxaa soo baxaya warar sheegaya in Waaran xarig ( Arrest Warrant) loo jaray Madaxii hore sirdoonka Itoobiya Getachew Assefa oo hadda baxsad ah.

Getachew Assefa ayaa waxaa xilka ka qaaday RW Cabeey Axmed waxaana uu ka soo jeedaa Qawmiyadda Tigray oo muddo badan maamulaysay dalka Itoobiya.

Muqaal baahiyaha xaruntiisu tahay Maraykanka ee Ethiopian Satellite Televising ( ESAT) ayaa baahiyey war cusub oo ku saabsan warqad soo qabasho ah loo jaray Madaxii sirdoonka Itoobiya waxaana kaloo la sheegay in kulanka golaha fulinta (EPRDF) uusan ka soo dhex muuqan doonin.

Wararku waxay sheegayaa in Mr. Assefa muddo bil ki dhow uu ku dhuumalaysanayey Hotel ku yaala Magaaladda Mekelle iyadoona loo maleynayaa in uu u baxsaday dalka Suudaan.

Qaar ka mid ah saraakiisha Booliska Tigreega ayaa loo badinayaa inay gacan ku siiyeen in uu baxsado madaxii hore sirdoonka dalkaasi.

Getachew Assefa ayaa sidoo kale ka mid ahaa xubnaha muhiimka ah ee jabhadda xoreynta Tigray (TPLF) waxaana sidoo kale uu xubin ka ahaa xisbiga EPRDF.

Hadalsame Media