(Washington, DC) 22 Agoosto 2018 – Kaddib aastada iyo aluminium-ka, gaari kasta oo Yurub laga soo dhoofiyo waxaa la saari doonaa tarriifo dheeraad ah, sida uu seegay madaxwaynaha Maraykanka ee Donald Trump.
“Waxaan saari doonnaa canshuur 25% gaari kasta oo Midowga Yurub ka yimaadda oo Maraykanka soo gala,” ayuu yiri Trump oo dad isu soo baxay kula hadlayay West Virginia.
Trump ayaa arrintan horay ugu gooddiyay bishii Maajo, isagoo Wasaaradda Ganacsiga waydiistey inay baaritaan ku samayso arrintan, si buu yiri loo ogaado inay halis ku tahay amaanka qaranka, isagoo adeegsanaya isla qiilkii uu canshuurta ku saaray birta aastada ah iyo alumiiniyamka.

Sicirka gaariga lagu iibiyo ayaa ka kordhi doona $1,400 iyadoo ay gawaarida gaar gaari karaan $7,000 oo Doollar, sida ay sheegtay Peterson Institute for International Economics. Tusaale moodalka la jecel yahay ee Mercedes-Benz GLC-class, oo 100% dibedda lagusoo sameeyo, ayaa ka kordhi kara $36,846 isagoo cagacagayn doona ilaa $45,400.
Hadalsame Media