Soomaaliya oo heshiis la gashay shirkad Maraykan ah (Sabab)

0

(Muqdisho) 22 Agoosto 2018 – Dowladda Soomaaliya ayaa hawlgalisay shirkad laga leeyahay dalka Maraykanka waxaana la siinayaa lacag dhan boqol kun oo doolar bishiiba iyadoo shirkadduna gacan ka sii doonto dowladda Federaalka Soomaaliya sidii Maraykanku mar kale qarash taageere u sii lahaa ciidamada Soomaaliya.

Muddo afar bilood ah ayey shaqeyn doontaan shirkadani iyadoo bil walba heli doonta boqol kun oo doolar, wadarta guudna waxay noqon doontaa ($400,000). Waa macquul in qandaraaska loo sii dheereeyo shirkadani.

Magaca shirkadaan waxaa lagu sheegay Sonoran Policy Group (SPG) waxaana qandaraaska lala galay u saxiixay dhanka Soomaaliya Ergayga Soomaaliya u fadhiya Qaramada Midoobay Abuukar Cusmaan halka shirkadani uu ku matalayey Agaasimaheeda fulinta Christian Bourge.

Shirkadaan oo fadhigeedu yahay Magaaladda Arizona waxay hore ugu loobin gareysay dowladda Kenya. Waxyaabaha sida gaarka ah ay shirkadaani gacan uga sii doonto Soomaaliya waxaa ka mid ah in golayaasha Maraykanka sida Baarlamaanka iyo aqalka cad ay uga dhaadhicin lahayd in dib loo billaabo qorsheyaashii kaalmada maaliyadeed lagu jiin jiray ciidamada dowladda Soomaaliya gaar ahaan millatariga. Maraykanka ayaa qeyb ahaan joojiyey taageeraddii dhaqaale ee uu sii jiray ciidamada dowladda Soomaaliya sababo la xariira eed musuqmaasuq.

Socdaaladda Madaxwaynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Faramaajo ee Maraykanka ayaa la filayaa in sidoo kale shirkadani gacan fudeyn ah ka gaysato.

Waxyaabaha muhiimka ah ee sidoo kale shirkadani kala shaqeyn doonto dowladda Soomaaliya waxaa ka mid ah in Maraykanku gaar ahaan Maamulka Madaxwayne Trump ka qaado xayiraada dhanka safarka ah dadka Soomaaliyeed taasi oo qeyb ka ahayd xayiraado dhawaan Maraykanku saaray muwaadiniinta ku dhawaad 7 dal oo Muslim ah.

Hadalsame Media