”Marka aad noo digeeyso yaad is mooddey?!!” – Madaxwaynaha Philipines oo furka ku xooray Maraykanka!! (Maxaa dhacay?)

0

(Manila) 22 Agoosto 2018 – Madaxwaynaha Philippine, Rodrigo Duterte, ayaa weerar ku qaaday maamulka Washington oo uu sheegay inay isku deyayaan inay u yeeriyaan nooca hubka ay iibsanayaan iyo cidda ay ka iibsan lahaayeen.

Madaxwayne Duterte oo ah nin inta badan wixii uu doono aan la gamban, ayaa ka xumaaday soo jeedin uga timid dhanka Maraykanka oo loogu sheegay inuu ka fiirsado inuu gujisyo kasoo iibsado dalka Ruushka.

Duterte ayaa ka caroodey war kasoo yeerey Kaaliyaha Wasaaradda Gaashaandhigga ugu qaybsan arrimaha Aasiya iyo Baasifigga, Randall Schriver, oo Philippines u jeediyay “in ay si aad ah uga baaraan degaan” in ay hub ay ku jiraan maraakiibta quusta ee gujiska ay kasoo iibsadaan Ruushka, taasoo buu yiri wiiqi karta olognimada Washington iyo Manila.

“Sabab? Dalalka kale ma celisey? Maxaad annaga noo celinaysaa? …. Waadba noo digaysaaye, horta adigu yaad tahay?” ayuu yiri hoggaamiyaha Philippine oo ka hadlayay magaalada Davao City ee dalkiisa.

Madaxwanaha Philippines ayaa sheegay in Maraykanku ay dalkiisa “dib u socod” ka dhigeen marka ay timaaddo awoodda dhanka gujiska, isagoo sheegay in Malaysia ay 2 gujis leedahay, Indonesia ay 8 leedahay, Vietnam ay 7 leedahay. ”Waxaan nahay dalka qura ee gobolka ku yaalla ee aan gujis lahayn.” ayuu ku dooday.

Hadalsame Media