Maanta waa maalin u MADOOW madaxwayne Trump + Sawirro (Maxaa dhacay?)

0
US President Donald Trump steps off Air Force One upon arrival at Andrews Air Force Base in Maryland on August 21, 2018. - President Trump returned from a rally in Charleston, West Virginia. (Photo by MANDEL NGAN / AFP)MANDEL NGAN/AFP/Getty Images

(Washington, DC) 22 Agoosto 2018 – Qarreenkii gaarka ahaa ee madaxwayne Donald Trump ayaa iminka u diyaar ah inuu dacwad oogayaasha u sheego ”wax kasta oo uu ka ogyahay” madaxwaynaha oo lagu haysto inuu galaangal la yeeshay Ruushka iyo inuu kusoo baxay qaab musuq ah doorashadii madaxwayne ee 2016-kii.

Qarreen Michael Cohen ayaa sidoo kale Robert Mueller oo ah madaxa dacwaddan daba socda, la wadaagi doono xog ku saabsan jabsigii DNC oo ah server-ka Xisbiga Dimoqraadiga iyo inuu arrintaa wax ka ogaa madaxwayne Trump iyo in kale, isagoo ku eedaysan inuu weliba qaab wiirsi ah ugusii qoray Twitter-kiisa kahor intaan la jabsan.

Lanny Davis, oo haatan ah qarreenka u doodaya qarreen Cohen, ayaa sidoo kale Trump ku eedeeyay inuu Cohen u dhiibey lacag laaluush ahayd oo aamusin ahayd oo uu siinayay haweenayda jisha aflaanta qaawan ee Stormy Daniels iyo moodaladda Playboy ee Karen McDougal oo siro ka hayay, taasoo ka dhigan inuu Trump qarka u saaran yahay in lagu helo dembiyo waawayn.

Davis ayaa hadayay jeer uu Cohen qirtay in ay ku tunteen xeerka u degsan lacagaha lagu kharash gareeyo ololayaasha doorashooyinka iyo in uu laaluush cad bixiyay isagoo amar ka haysta isla madaxwaynaha Maraykanka.

Waxaa ka sii daran, in yar uun ka hor inta aanu hadlin Davis, guddoonkii ololaha Trump ee  Paul Manafort lagu helay 8 kiis oo dembi cad kaddib markii lasoo gole joojiyay, waxaana ka mid ah canshuur lala baxsaday iyo been abuur.

Qarreenka Michael Cohen, Lanny Davis
Maareeyihii ololihii doorashada Trump Paul Manafort
Moodaladda Playboy ee Karen McDougal oo ka mid ah dadka laaluushka la siiyay

Hadalsame Media