Israsaaseyn ka dhacday Magaaladda Garowe (Faahfaahin)

0

(Muqdisho) 22 Agoosto 2018Afar askari oo uu ka mid yahay sarkaal sare oo ka tirsan ciidamada amaanka Magaaladda Garowe gobolka Nugaal ayaa la sheegay inay dhaawacmeen kadib isku day ay ku doonayeen ciidamadu inay gacanta ku dhigeen nin hubeysan oo ay israsaaseyni dhexmartay.

Warsidaha Puntland Times oo warkaan daabacay ayaa ku waramay in israsaaseyntu ay dhexmartay ciidamada Booliska iyo qof ay doonayeen in ay qabtaan halkaasna uu ka dhacay khasaare dhaawac oo soo kala gaaray labada dhinac.

Sarkaal katirsan Booliska Magaaladda Garowe iyo sadex askari oo kale ayaa la sheegay inay dhaawacmeen.

Eedeysanaha ayaa isna dhaawacmay sida wararku sheegayaan, hase ahaatee wali lama xaqiijin in la qabtay ruuxa hubeysnaa iyo in kale.

Hadalsame Media