(Tehraan) 22 Agoosto 2018 – Iiraan ayaa si rasmi ah usoo bandhigtay dayuurado nooca guuxooda ka dheereeya ah oo ay yadu ”maxalli ahaan u farsamaysay” markii ugu horreeysey, sida ay baahisey warbaahinta dowladdu maamusho ee dalkaasi.
Waxaa la arkayay madaxwaynaha dalkaasi ee Hassan Rouhani oo saaran shirka dayuuraddan oo loogu magac daray Koowsar, oo lasoo bandhigay maalinta qaranka ee wax soo saarka gaashaandhigga.
Dayuuraddan Koowsar ayaa loo adeegsan karaa “howlgallada masaafadoodu dhow dahay” waxayna ku hubaysan tahay gantaalo “uu shiishkoodu saxan yahay,” sida ay sheegtay saxaafadda dowladdu.


Hadalsame Media