(Muqdisho) 22 Agoosto 2018 – Dowladda Maraykanka ayaa sheegtay in ciidamadeedu duqeyn ka gaysteen koofurta Soomaaliya laguna dilay ugu yaraan 2 sarkaal oo ka tirsan mitidiinta Al-Shabaab oo xariir la leh ururka Al-qaacida.
Taliska guud ee Maraykanka ee Afrika oo la yiraahdo AFRICOM ayaa warkaan xaqiijiyey maanta oo Arbaca ah. Waxaa uu weerarku dhacay shalay oo Salaaso ahayd.
Weerarkan oo ahaa mid cirka ah ayaa ka dhacay goob qiyaastii 46 Kilomitir woqooyi barri kaga beegan Magaaladda Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbadda Hoose. Hawlgalka waxaa qeyb ka ahaa ciidamada sida gaarka u tababaran ee dowladda Soomaaliya oo loo yaqaano Danab.
Maraykanka ayaa sheegay in duqeyntaasi aysan wax khasaare ah ka soo gaarin shacabka.
Ma jiro wax war oo ka soo baxay dhanka Al-Shabaab oo ku aadan dhacdadaan.
Hadalsame Media