DAAWO: Sucuudiga oo Bishaar Al Asad lacag badan u ballan qaaday haddii uu hal arrin sameeyo!!

0

(Riyaad) 22 Agoosto 2018 – Sida laga soo xigtey xildhibaan Lebanese ah oo xiriir la leh Xizbullaah, ninka leh dhaxalka Boqortooyada Sucuudiga ee Mohammed bin Salman ayaa dhowaantan lacag fara badan oo dib loogu dhisayo dalka Suuriya u bandhigay madaxwayne Bashar al-Assad, taasoo ay laakiin la socoto shuruud ah inuu xiriirka jaro dalka Iiraan iyo jabhadda Shiicada ah ee Xisbollaah.

Ninkan oo waraysi khaas ah siinayay hilinka reer Lubnaan ee af Carabiga ku hadla ee al-Mayadeen, lana yiraahdo Nawwaf Musawi ayaa sheegay in wefdi ka socdey Sucuudigu ay farriintaa u gudbiyeen madaxwaynaha Suuriya, iyagoo u sheegay in Riyaad aanay dhib ku qabin inuu dalkaasi sii maamulo, haddii ay Dimishiq xiriirka u jarto Tehraan iyo Xisbullaah.

Musawi ayaa sheegay in Asad oo tan Maarso 2011 la dagaallamaya kooxo ay Galbeedku gacan saar la leeyihiin, uu dalabka Sucuudiga markiiba iska diidey, isagoo sheegay inuu udub dhexaad u yahay dagaal uu sheegay inay kula jiraan Israel.

Hadalsame Media