(Moqdisho) 22 Agoosto 2018 – Ugu yaraan hal ruux ayaa ku dhaawacmay rasaas aan la fahmin ujeedada ka dambaysay oo ay fureen ciidamo illaalinayey goob ay ka socotay xaflad shoow ah Magaaladda Muqdisho.
Daawadayaasha ayaa is jiiray waxaana billowday buuq iyo sawaxan iyadoo mar qura la kala firxaday.
Waxay ka dambeysay markii la maqlay rasaas kooban oo ka dhacday gudaha hotel la yiraahdo Royal Plaza oo ku yaala degmada Cabdicasis ee Magaaladda Muqdisho xalay fiidkii.
Showga waxaa dhigayey dhalinyaro fanaaniin ah oo lagu kala magacaabo Suldaan Seeraar iyo Xariir kana yimid gobolka Soomaali galbeed ee ay haatan Itoobiya maamusho.
Ku dhowaad kun ruux ayaa u soo daawasho tagay. Lama oga sababta keentay rasaasta hase yeeshee waxaa la sheegay inayba anshax darro ahayd in hub lala galo goob lagu qabanayo show. Xafladda ayaa la joojiyey gabi ahaanba markii shaqaaqadu dhacday.
Warar aan la xaqiijin ayaa sheegaya in buuqu ka bilowday illaalada hoteelka iyo dhallinyaro doonayay inay gudaha galaan si u daawadaan show-ga, lama se oga waxa ilaalada hoteelka ee hubaysan dhex geliyay nidaaminta cidda geleeysa bandhigga iyo ciddii kale.
Hadalsame Media