Turkiga oo Maraykanka DACWO ka gudbiyay!! (Sababta & cidda loo gudbiyay)

0
(Ankara) 20 Agoosto 2018 – Turkey ayaa dacwa rasmi ah oo ka dhan ah Maraykanka u gudbiyay Ururka Ganacsiga Adduunka ee WTO, iyagoo uga ashtakoonaya tarriifada uu saaray birta aastada ah iyo aluminum-ka ay dalkaa u dhoofiyaan.

“Turkey waxay WTO dacwaddan u gudbiyay maanta oo ay bisha Agoosto 20 tahay, taasoo uu guddoomay WTO,” Sida uu isla ururku sheegay.

Turkiga ayaa Maraykanka ku eedeynaya inay jebiyeen xeerarka u degsan ganacsiga caalamiga ah, kaddib markii ay 25% kordhiyeen tarriifada saaran birta aastada ah iyo 10% ay ku kordhiyeen aluminum-ka, taasoo ay saareen inta badan dalalka la ganacsada.

Waxayna Turkigu ku dareen in iyaga ay u dheer tahay xad gudub ku aaddan dhanka lacagta kaddib markii la qiime ridey Liiraha dalkaasi.

Hadalsame Media