(Muqdisho) 20 Agoosto 2018 – Dowladda Kenya ayaa ka dalbatay Qaramada Midoobay magdhow badan sababo la xariira ciidamadeeda ku sugan dalka Soomaaliya, waxaana taasi tahay fariin muujinaysa in qaar ka mid ah Ciidanka Kenya laga saarayo Soomaaliya Bisha Juulyo ee sanadka soo socda.
Dokumentiyo sir ah oo la helay ayaa muujiyey in Kenya ay fileyso in loo celiyo lacago gaaraya Sh8.5 billion oo ah lacagta dalka Kenya laga billaabo sanadka soo socda Bisha Juulyo. Lacagtaasi waa qeyb ka mid ah Sh6.1 billion oo doodeedu taagneed afartii sanno ee ugu dambeysay.
Kenya waxaa kale oo la sheegay inaysan ku faraxsanayn in ciidamadeeda laga saaro Soomaaliya taas oo qeyb ka ah qorshaha guud ee ciidamada AMISOM loogu diyaarinayo in Soomaaliya ay kaga baxaan marka la gaaro sanadka 2020.
Qaramada Midoobay ayaa la filayaa in si tartiib tartiib ah ay u bixiso lacagta ay dalbatay Kenya, waxaana taas bar bar socon doonta in la dhimo tirada ciidamada Kenya ee ka hawlgala koofurta Soomaaliya.
Kenya waxaa Soomaaliya kaga sugan Afar kun oo askari kuwaas oo qeyb ka ah hawlgalka Midowga Afrika ee AMISOM, waxaana inta badan lagu eedeeyaa ciidanka Kenya xad-gudubyo ka dhan ah shacabka Soomaaliyeed ku nool gobolada Jubbada Hoose iyo Gedo.
Hadalsame Media