DAAWO: Xaafadda Soomaalidu u badan tahay ee Islii oo lagu qabtay sonkor & saliid sumaysan (Halis baylah loo yahay)

0

(Eastleigh) 20 Agoosto 2018 – Booliiska magaalada Nairobi ee caasimadda Kenya ayaa gacanta kusoo dhigay sonkor iyo saliid ay sheegeen inay ku jiraan maaddooyin sun ah oo halis caafimaad sababi kara, mar ay howlgallo ka sameeyeen xaafadda Islii ee ay Soomaalidu u badan tahay, sida uu baahiyay Citizen TV.

Booliiska ayaa soo qabtay 1365 loor oo sonkor ah oo ay sheegeen inaan caafimaad ahaan la cuni karin, sida uu ka dhawaajiyay Fred Matiangi oo ah sarkaal sare oo ka mid ah booliiska.

”Marka aad aragto warbixinta ka timid baaritaan kiimikaad oo la sameeyay, waxan aannu sonkor ahaan u qasanayno, waxaa ku jira Mercury, Copper badan.” ayuu yiri Matiangi.

HALISTA CUNNOOYINKA MERCURY-DA LEH:

Waxay daciifisaa hannaanka dareen-wadka, waxay riftaa shukumaanka caloosha, waxay saamaysaa hannaan difaaca jirka, waxay keentaa kelyo beel, way waxyeeshaa sambabka, iyo ugu dambayn geeri.

KADEEDKA LA SOCDA COPPER-TA:

Waxay keentaa yalaalugo ama lallabo, matag, shuban dhiig leh, cadaadiska dhiigga oo dhaca, dhiig la’aan iyo wadne xanuun.

”Way na dilayaan, maxaa wacay waxay iibinayaan sun, midkeenna amaan ma aha” ayuu raaciyay Matiangi oo sheegay inay diyaar u yihiin inay la xaalaan ganacsato dhiig miirato ah oo la sheegay inay halisi ka iman karto.

Booliisku ma sheegin haybta ganacsatada leh badeecadan sumayan.

Hadalsame Media