(Muqdisho) 19 Agoosto 2018 – Hanti-dhowrka guud ee Qaranka Maxamed Maxamuud Cali (Afgooye) oo maanta kulan gaar ah la yeeshay Guddiga Maaliyadda ee golaha shacabka Baarlamanka Soomaaliya, ayaa Guddiga Maaliyadda la wadeegey warbixin ku saabsan wax qabadka xafiiskiisa.
“Xafiiskeygu wuxuu wadaa hawlo muhim ah, waxaana haatan xiran oo ay baarisi ku masuuliyiin ka tirsan hay’addaha dowladda oo ku eedeeysan wax is dhaaf dhaafin, kuwa kalena waannu daba soconna”. ayuu yiri Hanti-dhowrku.
Md Afgooye ayaa sheegay inaysan jirin cid ka xor ah seefta uu galka kala baxay oo sharciga loo siman yahay, sida uu yiri.
“Waxaan idiin ballan qaaadaya in isla xisaabtanka aan wado aan gaarsiinayo xitaa xafiisyada sare ee dowladda sida xafiiska Madaxweynaha iyo Ra’iisal wasaaraha, hadda waxa socda baaris kale oo aan ku wadno hay’addo ka tirsan dowladda”. ayuu warkiisa raaciyay Hanti-dhowrka Qaranka md Afgooye.
Hadalsame Media