WAR CUSUB: Jeneraal maalmo kahor xilkii laga qaaday oo magaalo muhim ah qabtay!!

0

(Muqdisho) 19 Agoosto 2028 – Ciidamo katirsan millatariga Soomaaliya ayaa la wareegay guud ahaa magaalo xeebeedka muhiimka ah ee Marko ee xarunta gobolka Shabeellada Hoose.

Magaaladda Marko oo ay naafeeyeen dagaalo ahli ah ayaa waxaa daafaheeda ku sugan ciidanka AMISOM halka xaafado badan oo magaaladda dhexdeeda ahna shabaabku ku sugnaayeen. Sidoo kale maleeshiyooyin beeleedyo ayaa magaaladda ku sugnaa.

Maanta barqadii ayey ciidamo aad u hubeysan oo ka tirsan dowladda Soomaaliya gudaha u galeen Magaaladda Marko halkaas oo ay dagaal kooban kula galeen kooxda Al-Shabaab. Khasaaraha lama oga, hase ahaatee waxaa la sheegay in ciidamadu la kulmeen qaraxyo culus.

Ciidamada galay Marko waxaa horkacaya Jeneraal Cabdullaahi Cali Caanood oo maalmo kahor laga qaaday abaanduulaha ciidanka xooga dalka.

Hadalsame Media