(Maka) 19 Agoosto 2018 – In ka badan 2 milyan oo xaaji oo dunida ka kala yimid ayaa Sucuudiga u tegey Xajka oo ka mid ah shanta tiir ee Islaamka, ahna mid ka mid ah kulanka ugu ballaaran ee ay Muslimiintu cibaado darteed hal meel iskugu tagaan.
“Waa u riyo qof kasta oo Muslim ah inuu Maka tago,” ayuu yiri Soliman Ben Mohri oo ah Carab Faransiis. “Waa safarka ugu muhiimsan, waxa i welwel geglinayaa waa inaan noloshaydii ku laaban doono. Hadda se riyo macaan ayaan ku noolahay,” ayuu 53-jirkani u raaciyay AFP.
Xajka ayaa qofkii Muslim ah, isla markaana awooda waajib ku ah ugu yaraan hal mar, waxaana goobta amaankeeda iyo nidaaminteeda ka shaqaynaya kumannaan kun oo qof, si aysan u dhicin tii dhacday 3 sano kahor oo ay is jiir jiir iyo shil dhacay ku dhinteen ilaa 2,300 oo qofi.
Sanadkan, waxay maamulka Sucuudigu soo kordhiyeen aalad loo bixiyay “smart hajj” waana mubaadaro uu qofku soo degsanayo apps ka caawinaya qorshaynta safarkiisa, jadwalka, tegidda meesha uu u baahan yahay iyo dalbashada gargaar caafimaad.
Hadalsame Media