Masuuliyiin iyo ciidamo lagu eedeeyey musuqmaasuq oo xabsi la dhigay

0

(Muqdisho) 19 Agoosto 2018 – Dowladda Soomaaliya ayaa xabsiga dhigtay ugu yaraan 10 qof oo loo heysto xatooyo iyo musuqmaasuq xoolo dadwayne.

Dadkan la xir xiray ayaa ka tirsanaa waaxda canshuuraha iyo maaliyadda ee dekadda Muqdisho. Eedeysanayaasha ayaa isugu jira mas’uuliyiin iyo qaar ka mid ah ciidamada ilaalada canshuuraha dekedda.

Jeneraal Cabdullaahi Xassan Bariise oo ah taliyaha hoggaanka Canshuuraha Barriga ayaa warbaahinta u sharaxay xarigga shaqsiyaad.

‘’Waxaa dekedda magaalada Muqdisho laga soo qabtay eedeysanayaal gaaraya 10 qof oo ku eedeysan xatooyo xoolo dadweyne, dhamaantoodna waxay ka shaqeynaayeen maamulka canshuuraha dekedda Muqdisho’’ ayuu yiri Gen Bariise.

Xukuummadda Soomaaliya ayaa laba jibaartay dagaalka ka dhanka ah musuqmaasuqa.

Hadalsame Media