SASSUOLO VS INTER MILAN: Safafka & shaxda ay caawa kusoo geli karaan!

0

(Sassuolo) 19 Agoosto 2018 – Waxaa caawa fiidkii dheelaya labada kooxood ee Sassuolo vs Inter Milan oo ciyaaraya kulamadooda ugu horreeya ee todobaadka furitaanka Serie A.

Dhanka Sassuolo: Laacibka dhowaan yimid ee Locatelli ayaa kaydka kusoo bilaaban kara, waxaa dhaawac ku maqan Lemos & Peluso oo gaar u tababaranayay. Weerarku waa seddexda Berardi, Boateng iyo Di Francesco.

Dhanka Inter: Spalletti, wuxuu kulankiisii koowaad ku bilaabanayaa Nainggolan la’aantii. Waxaa se bilowgiiba safanaya Lautaro Martinez oo wacdaro ka dhigay kulamadii xilli-horaadka. Brozovic ayaa furaha khadka dhexe haysta, halka Skriniar, uu murqaha ka daallan yahay waloow loo yeereys. Xitaa Perisic iyo Vrsaljko ayaan safka hore u badnayn. Joao Mario xanuun muruqa ah ayuu ku maqan yahay.

KAYDKA LABADA KOOX

  • 79 PEGOLO, 28 SATALINO, 17 SERNICOLA, 98 ADJAPONG, 39 DELL’ORCO, 68 BOURABIA, 73 LOCATELLI, 9 DJURICIC, 10 MATRI, 30 BABACAR, 19 ODGAARD, 20 BOGA
  • 27 PADELLI, 46 BERNI, 37 SKRINIAR, 13 RANOCCHIA, 2 VRSALJKO, 20 BORJA VALERO, 5 GAGLIARDINI, 17 KARAMOH, 44 PERISIC, 11 KEITA, 87 CANDREVA

GANAAXAN

AAN LA HELI KARIN

  • Lemos, Peluso, Marlon
  • Nainggolan, Joao Mario

Hadalsame Media