(Madrid) 19 Agoosto 2018 – Real Madrid ayaa dacwo rasmi ah ka gudbisey kooxda Inter Milan oo ay ku eedeeysay inay si sharci darro ‘galaangal’ ula samaysay Luka Modric, yeelkeedec, isla laacibka ayaa haatan qirtay inuu isagu ahaa midka shukaaminayay Inter.
Labada naadi ayaa waxaa dhex maray muran ay dunidu ogaatey, waxaana xitaa arrinta soo galay guddoonka La Liga ee Javier Tebas, oo Inter ku eedeeyay inay sharciga jebisey, halka ay iyaduna ku hanjabtey inay guddoomiya maxkamad saari doonto.
Si kastaba, sida uu dhigayo Don Balon, Modric ayaa FIFA ka hor sheegay in uu isagu ahaa qofka Inter la xiriirey isagoo u maraya wakiilkiisa ee aysan Inter isaga lasoo xiriirin.
Wuxuu sheegay inuu aad u danaynayay inuu ku biiro kooxdan oo ay u saftaan jaallayaashiisa Croatia sida Ivan Perisic, Marcelo Brozovic iyo Sime Vrsaljko.
Sportmediaset ayaa isna qoraya inuu laacibku yaraantiisii taageeri jirey kooxda Inter iyo in ay adag tahay in uu laacibku qandaraas cusub saxiixo kaddib dhacdadan.
Hadalsame Media