(Canbera) 19 Agoosto 2018 – Sharci cusub oo Australian ayaa noqon doona midka ugu adag meel kastoo kale oo caalamka ah, waayo wuxuu qofka khasab kaga dhigayaa inuu booliiska iyo ciddii ay khuseeyso u sheego furaha (password-ka) telefoonkiisa haddii loo baahdo.
Sharciga iminka jira laftiisa ayaa dhigaya in qofka la xiro ilaa 2 sanadood haddii uu dembi baarayaasha u diido inay telefoonkiisa galaan haddii loo baahdo, balse waxaa miiska saaran sharci cusub oo la yiraahdo Assistance and Access bill, kaasoo haatan dadka loo bandhigayo lagalana tashanayo, kahor inta aan cod heer baarlamaan ah loo qaadin dhamaadka sanadkan, waxaana xabsiga la gaarsiinayaa ilaa 10 sanadood.
Wasaaradda Arrimaha Gudaha ayaa sheegtay inay raadinayaan in “in tillaabo maangal ah laga qaado” qofkii arrintan oo kale ku dhaqaaqa.
Waxaa haatanba la jabsadaa telefoonnada ay leeyihiin dadka ku eedaysan argagixisannimada, kuwa carrruurta kufsada iyo ururrada lagu eedeeyo inay qarinayaan fal dembiyeedyo, balse tani waa tillaabo dheeraad ah oo ay qaadataan hay’aadka amaanka Australia oo arrintaa uga hormaray dal kasta oo kale.
Sharcigan ayaa keeni kara inay ku daydaan dalalka kale, gaar ahaan reer Galbeedka, oo beryahan ay doodi ka joogtey Xorriyadda Hadalka kaddib markii la xirey dhowr koonto oo ay lahaayeen dad dhaliila siyaasadda degsan (political establishment) ee Galbeedka.
Hadalsame Media