(Kampala) 19 Agoosto 2018 – Booliiska Kampala ayaa xabsiga dhigay nin Maraykan ah oo weerar maagis ah iyo aflagaaddo ah u gaystey nin ka mid ah shaqaalaha hoteelka Grand Imperial Hotel.
Afhayeenka booliiska magaalada ee Kampala Metropolitan Police, Luke Owoyesigyire, ayaa sheegay in ninkan eedaysanaha ah oo la yiraahdo Jimmy L Taylor, uu dalkaasi soo galay maalmo yar uun ka hor isagoo sheeganaya inuu yahay wadaad Masiixi ah oo diintaasi faafiya.
Booliiska ayaa baaraya muuqaal wareegayay baraha bulshada iyadoo la arkayay ninkan oo xanaaq dartii la tuuryaynaya dhalooyin isla markaana aflagaaddaynaya ninka shaqaalaha ah oo uu sheegay inuu neceb yahay Jesus, waxaana soo dhex gelaya nin kale oo uu isna sidoo kale ugu eedaynayo arrintaasi.
Hadalsame Media