Ciyaartooyda Juventus oo lagu eedeeyay dadnimo xumo & qalbi la’aan!! (Sabab?)

0

(Verona) 19 Agoosto 2018 – Laacibka Paulo Dybala ayaa raalli gelin ka bixiyay dabaaldeggii uu shalay sameeyay jeer uu dhulka yaalley goolwalaha Chievo ee Stefano Sorrentino oo xitaa suuxsanaa.

Kooxda Juve ayaa dhalisay gool uu dhaliyay Mario Mandzukic kaasoo markii dambe la diidey ciyaartii shalay ay Juve 3-2 ay aad ugu dhididdey uga badisay kooxda Chievo oo kula dheeshey Stadio Bentegodi.

Cristiano Ronaldo ayaa ku dhacay goowale Sorrentino, taasoo keentay inuu suuxo, waxaana goolka oo markii hore lagu ansixiyay hannaanka goal-line technology, markii dambe lagu diidey go’aanka VAR.


Yeelkeede, waxaa aad loo dhaliilay laacibiinta Juve, gaar ahaan Dybala, Ronaldo iyo kabtan Giorgio Chiellini kuwaasoo baraha bulshada looga jeexjeexay iyadoo lagu eedeeyay inay dabaaldegayeen jeer uu dhulka yaallo laacib iyaga la mid ah oo suuxsan, kaasoo aysan qaarkood xitaa eegin, waxaana arrintaa raalli gelin ka bixiyay Dybala oo khaladkiisa garowsaday.

“Waad saxan tihiin! Ma aanan eegin waxa dhacayay xilligaas. Waan se khaldanaa.” ayuu yiri Dybala. Arrintuse intaa kuma harin oo xaaska Sorrentino ayaa indhaha u shidatay Ronaldo oo ah laacibka ay isku dheceen qabtaha Chievo.

“Saacado ayaan isku dayay inaan aamuso oo aan muhiimadda eego, yeelkeede, haddii xiddig wayni doonayo in magacaa loogu yeero waa inuu INSAAN ahaadaa marka hore! Waan ka xumahay, lkn uma riyaaqi karo xiddigaa wayn!” ayay Sara Ruggeri kusoo qortay Instagram.

“Waxaan u riyaaqi karaa ragga dhabta ah, sida ninkayga oo dhulka yaalley iyo Tomovic oo isku dayayay wax kastoo suurta gal ah si uu u caawiyo. Waxaa ceebaysan kuwii caaytamay, dabaaldegey ama kaba daran inta eegay misna ka dhaqaaqay!” ayay raacisay.

Hadalsame Media