Xuutiyiinta oo gantaallo baalistik ah samaystay & Sucuudiga ay ku duqeeyeen + Sawiro

0

(Sanca) 18 Agoosto 2018 – Ciidamada Xuutiyiinta Yaman, ayaa sheegtay inay Sucuudiga ku ganeen gantaallo baalistik ah oo lagu sameeyay gudaha Yaman, gaar ahaan saldhig ku yaalla gobolka koonfurta Sucuudiga dhaca ee Najraan, si ay uga aarsadaan wax ay ku sheegeen weerarka dulmiga ah ee uu Sucuudigu kusoo qaaday.

TV Yaman laga leeyahay oo al-Masirah la yiraahdo ayaa sheegay in la bartilmaameedsaday saldhig la yiraahdo Mostahadeth kaasoo lagu ganay bantaalka tiirada gaaban ee Badr-1, kaasoo ay sheegeen inuu si sax ah ugu dhacay meeshii lagu shiishay.

Sarkaalkii TV-gan u warramay ayaa sheegay inay weerarkaa ku dileen dhowr askari oo ka tirsan ciidamada Sucuudiga, kuwaasoo ay isbahaystaan malliishiyaad Yamani ah oo taabacsan madaxwayne Abd Rabbuh Mansur Hadi.

Dhinac kale, Xuutiyiinta ayaa sheegay inay ugu yaraan 2 askari ku dileen toogasho ay ka sameeyeen saldhigga Mashal oo ku yaalla gobolka dhaca koonfur bari ee Jizaan.

Hadalsame Media