(Mogadishu) 18 Agoosto 2018 – Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan dhanka Qaxootiga ee UNHCR ayaa sheegtay inay Soomaaliya ku celinaysay qaxooti gaaraya 81,451 oo ruux ( Kow iyo sideentan kun Afar boqol iyo Kontan iyo Kow qof)
Dadka la daad gureyey ee qaxootiga Soomaaliyeed ah ayaa laga soo celiyey xeryaha xaqootiga Kenya sadexdii sanno ee ugu dambeeyey.
Dalalka kale ee Qaxootiga dib loogu celiyey wwaxaa ka mid ah Burundi.
Boqolaal kun oo Qaxooti Soomaaliyeed ah ayaa ku sugan xeryaha Dhadhaab waxaana la filayaa in dib loogu soo celiyo Soomaaliya.
Guud ahaan waxaa lagu qiyaasa dadka Soomaalida ah ee ku sugan Xeryaha Dhadhaab laba milyan oo ruux.
Hadalsame Media