Taariikhdii waxbarasho & middii shaqo ee Kofi Annan

0

(Bern) 18 Agoosto 2018 – Xoghayihii hore ee Qaramada Midoobay ee Kofi Anan ayaa ku geeriyooday subaxnimadii hore ee saakay Hospital kuyaal magaalada Bern ee wadanka Switzerland. Kofi Annan waxa uu ahaa xoghayihii ugu horreeyay ee madow Afrikaan ah ee maamula United Nations-ka.UN Ahan kii 7 aad Waxa uu maamulayay qaramada midoobay laga bilaabo bishii January 1996 illaa dhmmaadkii 2006-dii, waa laba xilli oo xiriir ah.!

WAX KABARO TAARIIKHDA XOGHAAYIHII HORE AHYANA XOGHAAIHI TODABAAT EE QARAMADA MIDOOBE MR KOFI ANNAN

NOLOSHIISI HORE IYO WAXBARASHADIISII

Kofi Annan wuxuu ku dhashay Kumasi gaar ahaan qeybta Kofandros ee wadanka GHANA oo markii hore loo aqoon jiray {XEEBTA DAHABKA} taariiqdu markey aheyd 8 April 1938kii, waxaana jiray labo gabdhood oo mataano ah oo la dhashay waxaana la kala dhihi jiray Efua, Ataa kuwaa oo geeriyooday 1991kii, waxaana iska dhalay qoysaska sharafta leh ee Ashanti iyo Fante, laga bilaabo 1954kii ilaa 1957kii Annan wuxuu qeyb ka ahaa dugsiga aqoon yahanada ee Mfantsipim iyo kan laseexdo ee Methodist kuwaa oo la dhisay 1870 kuna yiilay dhulka xeebta ah.

1957kii markii uu qalin jabiyay Annan waxaa xurnimada qaatay wadankii la oran jiray GOLD COAST ey heysteen gumeytihii Britain, balse markii danbe loo bixiyay GHANA, 1958kii Annan wuxuu bilaabay barashada dhaqaalaha waxuuna ka baran jiray Kumasi College of Science and Technology balse hada waxaa loo yaqaan Kwame Nkrumah University of Science and Technology of Ghana, 1961kii Annan wuxu helay deeq Waxbarasho ka helay mac-hadka Macalester College ee ku yaal magaalada St. Paul ee gobolka Minnesota ee wadanka MAREYKANKA si uu usii dhameysto cilmigiisii dhaqaalaha.

Wuxuu kaloo diyaariyay shahaado DEA Degree ah diplôme d’études approfondies, oo ku bartay xiriirka caalamiga ah mac-hadka The Graduate Institute of International and Development Studies ee ku yaal Geneva, Switzerland 1962kii, sanado qibrado shaqo ah kadib, wuxuu shahaadada darajada labaade jaamacada ee Master Degree ka diyaariyay MIT Sloan School of Management, wuxuuna bartay Fanka Maamulka, sidoo kale Annan wuxuu si fiican ugu hadli karaa luuqadaha English, French, Akan, xoogaa luuqadaha Kru ee Ghana looga hadlo iyo luuqado kale oo African ah.

XIRFADIHIISII

Kofi Annan 1962kii wuxuu ka shaqo bilaabay xafiiska mashruucyada hey’ada caafimaadka aduunka ee WHO taa oo ka hoos shaqeesa Qaramada Midoobay, la bilaabo 1974kii ilaa 1976kii wuxuu ka shaqeynaayay oo uu agaasime ka ahaa hey’ada dalxiiska ee dalka Ghana, 1980kii wuxuu noqday madaxa shaqaalaha ee wakiilka sare ee hey’ada qaxootiga qaramada midoobay ee UNHCR ee Geneva, 1983kii wuxuu noqday agaasimaha adeegyada maamulka ee Xoghaynta Qaramada Midoobay ee New York, dhamaadkii sideetamaadkii waxaa loo magacaabay kaaliyaha xoghayaha guud ee QM ee sadexda boose isku xiga.

1987–1990, wuxuu ahaa kaaliyaha dhanka ADEEGYADA BULSHADA, MAAMULKA, iyo ISKU XIRKA AMAANKA, (1990–1992) xilligaane wuxuu xoghaya ka caawin jiray dhanka BARNAAMIJKA QORSHEYNTA, MIISAANIYADA, MAALIYADA IYO MAAMULKOOGA , (March 1993 – December 1996) wuxuu kaaliye ka ahaa ARIMAHA NABADEYNTA, Kofi Annan xilligii uu kaaliyaha ka ahaa qeybta ARIMAHA NABADEYNTA CAALAMKA 1992kii, wuxuu qabtay shaqooyin muhiim ah oo ey kamid yihiin nabadeynta xasuuqii Rwanda, iyo joojinta dagaalkii sababay bur burka Somalia.

WAX-QABADKIISA. TALOOYINKIISII DIB U HABEYNTA QARAMADA MIDOOBAY

Kadib markii uu ku fadhiistay kursi 1997ki Mr Annan wuxuu sii daayay labo warbixin oo ku saabsan dib uhabeynta maamulka, wuxuu na dib u habeyn ku sameeyay habka Maamulka iyo Ururada talaabooyinka iyo Barnaamijyada, bishii March ee 2000 Annan ayaa magacaabay qeyb baarta ceebaha ey lii yihiin howlaha nabada ee qaramada midoobay si ey qiimeyn u sameeyaan nidaamka markaas jiray iyo talaaboyin muhiim ah si loo helo is badal dhab ah, wuxuu sameeyay hey’ad lagu magacaabo Kofi Annan Foundation oo Madaxbanaan taaso aan raadiney dhaqaalo waxeyna ka shaqeysaa si loo helo maamul caalamiya oo si fiicane u xoojisa dadka iyo dalalka si loo gaadho cadaalad, iyo duni nabad ah.

ABAAL MARINADIISA CAALAMIGA AH

Wuxuu ku guuleystay 2001dii bilada nabada aduunka ee loo yaqaan Nobel Peace Prize 2000dii wuxuu ku guuleystay bilado kala ah Star of Ghana, Grand Cross oo wadanka Poland laga bixiyo, Kora Awards. 2008dii ayaa la siiyay bilad sharafta jaamacada Harvard, wuxuu kaloo ku guuleystay bilado badan oo aan lasoo koobi karin NOLOSHIISA GAARKA AH.

1965kii Kofi Annan wuxuu la aqal galay Titi Alakija oo kasoo jeeday wadanka Nigeria, sanado ka dib waxey u dhashay Ama Annan iyo walaalkeed ka yar ee Kojo, 1970kii wey kala tageen, 1984kii Annan wuxuu guursaday Nane Lagergren oo aheyd qareen Swedish ah hada ka rawaxay cafiyo

W; D: Cumar Maxamuud Amoore

Hadalsame Media