(New York) 18 Agoosto 2018 – Kooxda Daacish ayaa la sheegayaa inay weli gacanta ku hayso qaar ka mid ah ceelasha saliidda Suuriya isla markaana ay dakhli ka hesho iibinta saliidda, sida ay sheegayso warbixin cusub oo ay soo saaray QM, waloow ay ka gaabsadeen inay farta ku fiiqaan, in meelaha ay ISIS weli ka nooshahay ay yihiin goobo ay gacanta ku hayaan ciidamo uu Maraykanku taageero.
“Kooxda Daacish ee Ciraaq iyo Shaam [IS, horay loogu yaqaanney ISIL/ISIS], kaddib markii ay ka adkaadeen ciidamada Ciraaq, inta badanna ay ciidamada Suuriya ka saareen dalkooda, waxaa yimid gaabis ka dhashay qabashada dhul ay haystaan ciidamo uu Maraykanku taageero,” ayaa lagu yiri warbixin kasoo baxay Golaha Amaanka ee QM.
Gaabiskaais wuxuu IS siiyay “fursad ay ku neefsadaan oo ay iskugu diyaariyaan tillaabada xigta ee ay ku howlgeli karaan.” QM ayaa sheegtay in wixii ka bilowda Juun 2018 ay IS haysatey dhul aad u yar oo ku yaalla xuduudda Ciraaq iyo Suuriya.
[IS] waxay awoodaan inay saliid iibiyaan, oo ay weerarro ka oogaan meelaha u dhow xuduudahaas ay joogaan iyo ka fogba,” ayay warbixintu leedahay, iyadoo sheegtay inay haystaan ceelal saliideed ku yaalla Woqooyi Bari Suuriya.
Hadalsame Media