(Hadalsame) 13 Agoosto 2018 – Waxaa run ah in marka mu’allifiintu ay sheygii ay gabadha ku matalayeen ammaanayaan si qurux badan oo ina duufsan karta ugu talaxtagaan aftahammo weynna muujiyaan, laakiin haddana waxaa muuqata in ay gabadhii jalaqsanayd oo golxaha lahayd inta illaawaan ay ganacyo naaxay iyo cududo gamuurmay sheegaan.
Su’aashu waxa ay tahay: in ammaanta gabadha lagu talaxtago meeshii geed ama geenyo la caabudi lahaa, ma waxaa diidaya in dhaqankeennu uusan ahayn in gabdhaha jirkooda intiisa badan la tiltilmaamo? Oo intii gabadha jirkeeda la ammaani lahaa ayaa laashinku doorbiday in uu inta kaynta galo; geedo, balanbaaliso iyo fardo la booddaalaysto gabadhii uu cidlada ka ga tegeyna u soo noqdo iyada oo waayuhu inta shaqo ka qabteen baalasha indhuhu caddaadeen, shimbirona ay ka cabbayaan xareed gashay dhafoorradeeda gabowga la gotey?
Kolley waxa aynni og nahay in meelo kooban gabadha laga tilmaami karo dhaqan ahaan, sida wajigeeda (sunniyaha, dhabannada, dibnaha, ilkaha, timaha), luqunta, garaaraha, dhexda iqk.
Bal eeg heestaan hoose oo uu allifey Cabdicasiis Dakharre. Laba qaybood oo ka mid ah ayuu gabadha jirkeeda quruxdiisa amaanay, isaga oo gabadha la jooga oo aan marna cidlayn:
Ilkaheeda dhuuxaa
Indhaheeda dhaydaa
Dhabankeeda curubtaa
Sunniyaha bil dhalatiyo
Sida qaanso lagu dhigay
Timaheedan dhuxushaa
Barkood dhaafay dhabarkaa
Barna soo dhaceenee
Laydhu ay ku dheeshiyo
Midabkeeda dhiinkaa
Midka labaadna waxa uu yiri:
Waa dhammays haweenoo
Dhexyarideeda madagtaa
Luqunteeda dhebigaa
Dhaayihii jalleecaa
Dhibaatada halmaamee
Bal haddana eeg beytka saddexaad ee heesta oo uu degaan xilli roobaad ah gabadha ku amaanayo. U fiirso, ma dareemeynno in gabadhii cidla laga ga yimi, maxaa yeelay degaan roobsaday oo qurxoon ayuu ina marinayaa mu’allifku oo duul la dalxiis geeyey bey beynnu nahay. Bal qiimee farqiga u dhexeeya labada beyd ee uu gabadha toos ugu ammaanay quruxdeeda iyo midka uu degaan iyo dabeecad qurxoon inta sawiray gabadhii ku mataley. Kolley farshaxan maanso ahaaneed ku ma ka la dhacaan ee se waxaa la qiimaynayaa labada hab midka togan.
Waa arrin sax ah in quruxda gabadha wax lagu matalo oo la ma laha waa reebban tahay. Waxaa xoogaa su’aal lagu godayaa ku talaxtagga ammaanta wax aan gabadhii ahayn, oo weliba lagu ammaanayo astaamo sheygaasi leeyahay oo gabadha haddii uu doono foolxumo ku ah.
Marka gabar geenyo lagu matalayo, meelaha ay iska metelaan keliya in la soo qaato ayaa habboon. Tusaale ahaan, gabadha iyo geenyadu waxa ay iska metelaan timaha dheer, ka la jiidnaanta dhisme ahaaneed oo marka gabar geenyo lagu matalayo waxaa amminkaba kugu soo dhacaysa gabar ka la jiidan oo labadeeda qaar ka la soocan yihiin oo sabar xoodan. Waxaa jira hab ay gabdhuhu timaha u xirtaan oo la yiraahdo sayn-fardood ama qanaan faras (ponytail), Waxa ay aad ugu eg yihiin saynta geenyada. Eeg sawirka hoose.
Deerada gabdhaha waa lagu metelaa, inta badanna indhaha ayaa ah meelaha shabbahaaddu ay dumarka iyo deerada isugu keento. Wax badan oo kale ma wadaagaan.
Dayaxiyo xiddigahoo/nuurka isku darayeey; Indha deeraleeyeey; Dhexda geenyo ugubleey, ammanaha noocaas ah waa caadi iyo qurux. Laakiin marka inta geenyadii la isku illaawo, ilaa cawska ay daaqdo noociisa iyo degaanka ay joogto magaciisa iyo in aysan dagaal waayo gelin laga sheekeeyo ayaa ay daarran tahay dhaliisha macallin Axmed Nuur Yuusuf.
Maxay ku la tahay? Haddaad halkaan soo gaadhey dulqaad ayaan kuu qirsan ahay qaddarinna waan kuu hayaa, maxaa yeelay hadaltiro dheer baan ku la soo doontay.
Farow: waa marka uu noole si buuxda inta u cayilo ay baruurtu maqaarka hoostiisa hirarowdo.
Dhamaad….
Waxaa Isku Duwey: Maxamed Aadan Ciiraale
Hadalsme Media