(Mogadishu) 18 Agoosto 2018 – Imran Khan oo mar ahaa Ciyaaryahan ciyaara cricket-ka ayaa Baarlamaanka Bakistaan u dhaariyey inuu noqdo Ra’iisul Wasaaraha cusub ee dalka Pakistan.
Waxaa uu Siyaasada ku soo biiray ku dawaad 20 sano kahor, waxaana uu ahaa nin aftahan ah oo kasbaday taageerayaal badan tan intii uu isku bedelay Siyaasi.
Xisbigiisa PTI ayaa ku guuleystay inta badan kuraasta baarlamaanka doorashadii dhacday bishii July dalka Pakistan.
Ra’iisul Wasaaraha cusub waxaa horyaala arrimo badan sida maareynta dagaalada ururka Taalibaangaar ahaan faraciisa ka dagaalama dalka Bakistan iyo sidoo kale xiisadaha labada dale e Hindiya iyo Bakistan ee gobolka Muslimiintu ku badan yihiin ee Kashmiir.
Imran Khan ayaa sheegay in uu la dagalami doono musuq maasuqa xoogana uu saari doono Isla Xisaabtan dhab ah.
Hadalsame Media