(Milano) 18 Agoosto 2018 – Kooxda AC Milan ayaa ku dhawaaqday in daafaceeda bidix ee Ivan Strinic uu ciyaaraha si KMG ah uga nasan doono kaddib markii laha helay dhibaato caafimaad oo dhanka wadnaha ah.
Laacibkan 31-jirka ah ee caalamiga ah oo xagaagan uun kusoo biiray kooxda Milan, ayaa saftay inta badan kulamadii KA2018 oo uu xulkiisa Croatia final-ka gaarey, tiiyoo ay jirto inaanu ku dhowaad kulanna u safan Sampdoria 6-dii bilood ee ugu dambeeyay.
War rasmi ah oo kasoo baxay waaxda caafimaadka ee Rossoneri ayaa haatan lagu xaqiijiyay in Strinic laga helay “xaalad caafimaad oo dhanka wadnaha ah oo loo yaqaanno hypertrophy taasoo keeeni karta inay ballaartaan oo adkaadaan xiddidada wadnaha”, waxaana lagu sameeyn doonaa baaritaanno dheeraad ah.
Strinic, ayaa sidaa darteed waxaa lagu amray inuu nasto, waana sababta keentay inay Milan maalintii ugu dambaysay suuq xagaaga soo qaadato daafaca Diego Laxalt oo ay Genoa kasoo qaateen.
Hadalsame Media